Madaxweynaha dalka oo la dukaday kumanaan shacab Soomaaliyeed ah.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka si dalka looga cirib tiro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho dulqaadka ay sameeyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha amniga sida ay qorraxda iyo dhaxanta ugu taagnaayeen in ay dhiigga shacabka ka badbaadiyaan kooxaha horarka ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...