Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud Keating oo diray hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga

Date:

Muqdisho(SNTV):-– Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Soonfurka (Ciidul Fitriga).

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, waxaan idiin rajeynayaa Ciid farxadeed oo nabdoon,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

Keating ayaa sii raaciyay “Waxaan idinla qaybsanaynaa soo dhoweynta bilashada bisha cusub oo muujinaysa dhamaadka bisha barakaysan ee Ramadan. Waxaan rajaynayaa in barakada Ciidda awogeed ay qoysaska iyo asaxaabtu isku yimaadaan si ay ugu dabaal-degaan si niyad-sami iyo dib-u-heshiisiin ku dheehantahay. Waxaan rajaynayaa in waqtigan gaarka ah ee kamidka ah sanadka uu farxad badan u keeni doono dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, uuna kobcin doono nabadda iyo barwaaqada ee guud ahaan dalka. Ciid Wanaagsan.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...