Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug oo mashaariic horumarineed ka dhagax dhigay magaalada Dhuusamareeb

Date:

Dhuusamareeb (SNTV), Madaxwaynaha Dawlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Golaha Wasiirada Sh Maxamed Shaakir, ayaa Maanta si wada jir ah u dhagax dhigay ilaa iyo  Seddex Mashruuc ,kuwaasi oo kala ah Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Xarunta TV-ga Maamulka ku shaqayn lahaa, Saldhiga Ciidamada Daraawiishta iyo Nabad-sugida, iyaddoona dhismaha  Waqti dhow uu ka bilaaban doono, waxayna sidoo kale kormeer ku tageen Xarumo uu dhisme ka socanayo.

Madaxwaynaha Galmudug iyo Madaxa Gogolaha Wasiirada Galmudug, ayaa waxa ay si wada jir ah uga hadleen Mashruucyadaan Maanta laga dhagax dhigay Magaaladda Dhuusamareeb, waxa ayna sheegeen in Xarumahan Ciidamada ee la dhagaxdhigay lagu mideen doono Ciidamada kala duwan ee Galmudug.

Bilihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Dhuusaamareeb waxaa laga dareemayey dib u dhis lagu samaynayo Xarumihii Dawliga ahaa ee ku yaalla Magaaladaasi,  kuwaasi oo wax wayn ka badalay Bilicda Caasimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...