Kismaayo oo hormuud u noqotay 30-kii degmo ee galay tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tartanka adag ee kama dambeysta ah ayaa u dhaxeeyay  degmooyinka Kismaayo & Warta-Nabadda oo ka kala tirsan Benaadir & Jubbada-Hoose

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo  su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay 4-dhibcood.

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda.  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay 10- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, halka tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo markii saddexaad oo xiriir ah ay soo tiigsadeen kulanka kama dambeysta ah, Shibis ayaa kaalinta 3-aad horay ugala baxday Hodan.

Sanadkiiba bisha Ramadana ayaa mar la qabtaa tartankan uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir halka warbaahinta Qaranka ay taaba geliso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...

Taliyaha CXD oo dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah...