Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Caasimadda

Date:

 

Muqdisho, 12 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka DFS ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa baahinta adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur iyo howlwadeenada Wasaaradda, waxana dood dheer laga yeeshay
sidii loo wanaajin lahaa tayada adeegyada iyo faya-dhowrkooda, si bulshadu u helaan adeeg caafimaad tayo sare leh.

“Waxaan ka wada hadalnay Wasaaradda isku xirka adeegyada Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa caafimaadka Gobolka Banaadir, maadaama bulshada ugu badan Gobollada dalka ay ku nool yihiin Caasimadda, waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaam caafimaad la isku halayn karo.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Mudane Eng. Yarisow ayaa ku tilmaamay kulankan dhex maray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS mid dhabaha u xaaraya in dadka Caasimaddu ay helaan adeegyo Caafimaad oo tayo leh, isla markaana labada dhinac ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta arrintan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir wada-shaqeynta kala dhaxeysa iyo sida ay mar walba diyaar ugu yihiin in Shacabka ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg Caafimaad wanaagsan.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...