Madaxwaynaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un iyo dhigiisa dalka Maraykanka Donald J Trump ayaa yeeshay kulan taariikhi ah oo muddo la qorshaynayey, kaas oo xalay ka dhacay jasiirad ku taal dalka Singapore.
Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi waxa ay muddo dheer isku khilaafsanaayeen arrimaha siyaasadda gacanka Kuuriya iyo horumarinta hubka Nukliyeerka ee Kuiuriyada Woqooyi.
Trump iyo Kim Jong-un waxa ay labaduba sheegeen in kulankan uu ahmiyad u leeyahay ammaanka caalamka iyo diblomaasiyadda, gaar ahaan Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi oo dhawr mar ku sigtay inay dagaal toos ah galaan.
Waxaa ay yeelanaayan dood adag oo ku aadan in Kuuriyada Wqooyi ay ka tanaasusho barnaamijkeeda Nikliyeer-ka, taa badalkeedna laga qaado cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran.