Generaal Thomas Waldhauserโ€ Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ka hor inta aysan dhicin.โ€

Date:

Muqdisho(SNTV);– War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrikaa ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii kordhin doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu yareeyo qatarka Argagixisada Soomaaliya sida Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish,kuwaasi oo hadda awoodooda Militari ay hoos u sii dhaceyso.

Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika General Thomas Waldhauser,ayaa sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay la talin iyo caawinba ay siiyaan Gobolka,oo ay ka mid yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Soomaaliya (AMISOM),wuxuuna carabka ku adkeeyay iney ku dadaalayaan sidii ay ku dhisi lahaayeen istaraatijiyada Bariga Africa.

โ€œIstaraatiijiyadayada Bariga Afrika waa in la dhiso Awooda saaxiibadayada si loo hubiyo in laga adkaado rabshadaha ururada xag-jirka ah, ee doonaya inay waxyeellada soo gaarto gobolka, rabana in ay waxyeeleeyaan qaarada yurub, ugu dambeyntii waxay doonayaan in ay waxyeeleeyaan Mareykanka, ,โ€ ayuu yiri General Thomas Waldhauser, Taliyaha Ciidamada Mareynkanka ee Afrika.

Sidoo kale,Generaal Thomas Waldhauser โ€œayaa sheegay in si fudud uga shaqeyn doonaanย  sidii looga hortagi lahaa ficilada foosha xun ka hor inta aysan dhicin.โ€

Warka ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Africa ayaa ku soo aadaya xilli, June 8, 2018, howlgal si wadajir ah Jubbaland uga fuliyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareynkanka laguna bartilmaameedsaday Kooxda Argagixisada Al-Shabaab lagu dilay askari ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Mareynkanka afar kalena lagu dhaawaca.

Mareynkanka oo duqeymo dhowr ah ka fuliyay Soomaaliya ayaa ku dilay dagaalyano iyo Saraakiil ka tirsan Kooxda Argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo dhibaato badan ku hayay dadka Shacabka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...