Soomaaliya oo ka baxdey Liiska waddamada ugu amni darrada xun adduunka.

Date:

Warbixintaan oo sannadle ah ayaa lagu qiimeeyaa waddamada ugu amniga badan iyo tobanka dalk ee ugu  amni darrada badan caalamka,  sida ay baahiso Hey’adda Globol Law and Order Index ee falanqeysa Arrimaha Amniga caalamka iyo deganaanshihiisa.

Soomaaliya oo ku dhowaad 30 sannadood ku jirtay xaalado degnaasho la’aan ayaa hadda u muuqata mid uga xuub siibaneysa si  tartiib-tartiib ah oo ay aamisan tahay ahey’adda Globol Law and Order Index.

Liiska 10-ka dalka ee ugu badni darrada  badan  waxaa safka hore ka galay waddamada kala ah.

  1. Sierra-Leone
  2. Botswana
  3. Dominican Republic
  4. Mexico
  5. South Africa
  6. Liberia
  7. Gabon
  8. South Sudan
  9. Afghanistan
  10. Venezuela

Warbixinta ayaa diiradda saartay dalka Venezuela oo kalinta koowaad ka galay waddamada ugu amni darrada badan caalamka, tan oo tusaale cad u ah in Soomaaliya ay horey u qaadday  tallaabooyin amni iyo mid dhaqaale oo ay hey’adaha cilmibaarits iyo dabagalka caalamka si weyn u hadal hayaan.

Warbixinta ayaa qireysa in dalalka 10-ka ah  cel-celis ahaan maalintiiba ay ka dhacaan dilal loo fuliyey si argagax leh iyo weerarro geysta khasaare dhisamasho oo baaxad leh.

Soomaaliya ayaa ku dedaaleysa in ay cagaha u dhigto amnigeeda, xilli ay socdaan dhismaha iyo dib u habbeynta hey’adaha iyo ciidammada amniga, waa mid ka mid ah fursadaha tusaalaha u ah dowladda Federaalka Soomaaliya in laga saaro Liiska dalalka degnaansho la’aanta amni uu ka jiro, sida ku cad warbixinta hey’adda Globol Law and Order Index.

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...