Guusha Kismaayo & Isku aadka afar dhammaadka tartan aqooneedka

Date:

Muqdisho (SNTV)-Waxaa wareegga ugu dambeeyo ee dhammaadka wareegii 3-aad caawa ku wada  tartamay degmooyinka Kismaayo & Xamar-jajab oo ka kala tirsan Jubbada-Hoose iyo Benaadir.

Tartameyaasha Degmada Xamar-Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7-Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal,  mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen. wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay 4- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay10-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka oo ah wareegga ugu dambeeyay ee sideed dhamadka, halka tartamayaasha Degamda Xamar Jajab ay noqotay degmadii ugu dambeysay ee loo diiwaan geliyo in ay ku hartay dhammaadka wareegga 3-aad.

Intaas kedib ayaa guddiga tartan aqooneedka bisha ramadan waxa ay go’aamiyeen  in habeen dambe wareegga 4-dhammad ay wada tartami doonaan demooyinka  Hodan & Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka isla habeen dambe qeybta dambe ay wada ballansanyihiin  Kismaayo & Shibis oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Maamulka Gobalka Benaadir ayaa sanad kasta taaba geliyo tartanka, waxaana tabintiisa iska leh warbaahinta qaranka tartan aqooneedka Bisha Ramadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...