In kabadan 60 saraakiil Soomaali ah oo Tababar ugu soo geba-geboobay Dalka Turkiga

Date:

Turkey(SNTV)- Dowladda Turkiga ayaa wadankeeda tababar ugu soo geba gebeysay saraakiil iyo saraakiil xigeen oo Soomaali ah,kuwaasi oo in muddo ah dalkaasi Turkiga ku baranayaya casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee ciidamadu ay leeyihiin.

Tababarkani oo in muddo ah socday ayaa waxaa loo qabtay in kabadan 60 qof oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo Soomaali ah,waxaana ay tababarada la qaateen askar ka socotay Gaashaanbuurta NATO iyo kuwo kale oo ka kala socoda Afrika iyo Qaaradda Assia.

Gaashanle Maxamed Tahliil Maxamed oo kamid ah saraakiisha tababarka ku soo qaatay Dalkaasi Turkiga ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay barteen iyo sida ay ugu faraxsan yihiin.

“Waxaa nahay 63 oo saraakiil iyo saraakiil xigeeno ah,waxaan baranay Fakaltiyo kala duwan oo ciidanka Xooga Dalka ah,waxaan ku faraxsanahay in aan tababar la qaadanay ilaa 36 Dowladooda askartooda,kuwaasi oo ka kala socda NATO,Afrika iyo Assia intaba ka socda,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta qalinjebino,waxaan aad u soo dhaweynaynaa oo aan ku faraxsanahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay halkani munaasabadda nagala soo qeybgalaan, mahad ballaaran ayaan u celinaynaa dowladda Turkiga oo walaalaha nahay sida ay inoo garab taagan tahay”. Ayuu yiri Gaashaanle Tahliil.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo qalabaynta ciidamada,iyadoo askar badan tababarro ay ku soo qaateen dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Dalladda SORECA kala hadashay horumarinta kaabayaasha iyo magaalooyinka

MUQDISHO | 15 Abriil 2026 – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha...