Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday xarunta isgaarsiinta Jabuuti iyo Dekadda Dooraale.

Date:

Jabuuti, June 08, 2018— Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan joogay Jabuuti ayaa booqday xarunta isgaarsiinta dalkaas iyo Dekadda Dooraale.

Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti, Mudane Cabdi Youssouf Sougueh iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaare Khayre geeyay xarunta Isgaarsiinta iyo Dekadda Dooraale waxa uuna Ra’iisul Wasaare Khayre ku bogaadiyay reer Jabuuti iskutashiga ballaaran ee ay sameeyeen, isaga oo ka codsaday in walaalahooda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan arrimaha Dekaddaha iyo Isgaarsiinta.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga waxa uuna boosta ka xariiqay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideysan doonto khibradda dawladda Jabuuti

Wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre ee maalmahaan ku sugnaa Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu kusugnaa Jabuuti waxa uu la kulmay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo ay ka wada hadleen arima badan oo khuseeyaa labada dal iyo guud ahaan gobalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...