Deyniile oo noqotay degmadii u dambeysay ee ka hartay wareegga 3-aad ee tartanka

Date:

Muqdisho (SNTV)-Kulan adag ee uu dhaxeeyay degmooyinka Boosaaso iyo Deyniile oo ka kala tirsan goballada Bari & Benaadir ayaa ahaa tartan adag oo lagu xirayay wareegga 2-aad ee  tartanka.

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay 2- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4-su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen 3- su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Deyniile,  wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boosaaso waxay noqotay 14- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Deyniile ay noqotay degmadii ugu dambeysay ee ku hartay wareegga 2-aad.

Tartanka uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir isla markaan ay tabineyso warbaahinta Qaranka waxaa habeen dambe oo ah habeenka 1-aad ee wareegga 3-aad lugta hore   foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Yaaqshiid & Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Kormeer ku tagay mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Howlgal lagu dilay xubno katitsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo...

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa...

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...