Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Dakhligii ay qabato ku wareejisay Wasaaradda Maaliyadda

Date:

Muqdisho (SNTV)- Si loo hormariyo hanaanka Dowlidnimada loona mideeyo maamulka dakhliga dhamaan Hay’addaha dawliga ah, ayaa maanta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Federaalka ay ku wareejisay Wasaaradda Maaliyada  Dakhliga soo galo maadaama ay u xilsaaran tahay in ay halmeel isugu geyso.

ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta Wasaaradda Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada iyo masuuliyin ka socotay labada wasaaradood.

Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la mideeyo hanaanka maamulka dakhliga taasoo ula jeedadu tahay in la gaaro hufnaan maaliyadeed.

Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in hanaankan Maaliyadeed uu damaanad qaadayo in si hufan loo maamulo dakhliga dawladda.

Horey ayay Wasaaradda Maaliyadda dhowr Wasaaradood ugala wareegtay dakhliga ay uruuriyeen, taas oo lagu shubay Bankiga dhexe ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...