Mareykanka”Waxaan qaarijinay 27 Al-shabaab kamid ah”

Date:

Muqdisho (SNTV)- War ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu faah faahiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo ciidamada Mareykanku ay ka fuliyeen Soomaaliya,iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya.

Afrika ee AFRICOM  oo ah Taliska guud ee ciidamada Mareykanka oo ku sugan Qaaradda Afrika  ayaa shaaciyay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 kamid ah kooxaha argagixisada Alshabaab,kaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsna Gobolka Bari ee Puntland.

Duqeymahaasi ayaa ka dhacay deegaan qayaas ahaantii in kabadan 25 miles u jira magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,gaar ahaan dhinaca Koonfureed.

Mareykanka ayaa Qoraalka sidoo kale ku sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah,oo k ag dhawaa meelaha duqeymahaasi lala bartilmaameedsaday.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili maleeshiyada Alshababa ay dhawaan weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland.

AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo argagixsada.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sidoo kale lagu yiri Tani waxaa qeyb ka tahay,in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.

Dhawaan ayaa Mareykanka weerar kan lamid ah uu ka fuliyay duleedka Muqdisho wuxuu ku sheegay in ay ku dileen ilaa 11 kamid ah kooxaha argagixisada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...