Hanaanka Garsoorka Dalka oo dib u habeyn lagu sameynayo

Date:

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay inuu sameyn doono dib u habayn balaaran oo ku aadan hanaanka garsoorka dalka, xilli shalay uu la wareegay xilkiisa.

Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dhowaan la dhisi doono guddiga adeegga garsoorka oo muddo badan lagu taamayay, si garsoorka dalka uu u noqdo mid hufan oo madax bannaan.

Sidoo kale, wadashaqaynta xiriirka hay’adaha cadaaladda ka shaqeeya, tababarista xirfadlayaasha garsoorka iyo tayada adeegga garsoorka ee shacabka ayuu xusay inuu ahmiyad wayn siin doono.

Guddoomiyaha cusub Maxkamada sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo mudo xilkan soo hayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Marwada Madaxweynaha JFS oo ka codkeeda ka dhiibatay D.dharkiinleey.

Muqdisho, Diseembar, 25, 2025; Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha JFS oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Golaha Deegaanka gobolka Banaadir

Muqdisho, Diseembar 25, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Safiirka Soomaaliya ee Uganda oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeeysay Doorashada.

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka codeeyey Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...