Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

Date:

Muqdisho(SNTV);- Guddoomiyaha cusub ee maxkamdda sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah xilkiisa ula wareegay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka cadaaaladda iyo xeer ilaaliyaha Qaranka.

Mudane Baashe yuusuf Axmed oo todobaadkii hore xilkaasi loo magacaabay ayaa xilka kala wareegay mudane Ibraahim Iidle Sulaymaan oo xilkaasi horey u hayay.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay inuu diiradda saarayo horumarinta adeegga garsoorka iyo sare u qaadista aqoonta dadka ka shaqaynaya.

Wuxuuna Guddoomiyihii xilkan kaga horeeyay ku ammaanay howsha hagar la’aanta ah ee adeega garsoorka ka soo qabtay,islamarkaana meel wanaagsan uu soo gaarsiiyay.

Dr. Axmed Cali daahir xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa u mahadceliyey gudoomiyihii hore ee maxkamadda sare shaqadii uu garsoorka dalka ka qabtay.

Wasiirka cadaaladda xukuumadda FS mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa munaasabadda xil wareejinta ka sheegay in uu isbadalkan ka filayo horumar cadaaladeed iyo in nidaamka garsoorka dalka shaqo badan laga qabto, si bulshadeenu u hesho adeeg garsoor oo sax ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...