Ra”iisul Wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baydhabo

Date:

Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ra”iisul Wasaaraha dalka waxaa magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey masuuliyiinta dowlad goboleedka K/Galbeed Soomaaliya iyo madax kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa magaalada Baydhabo kaga qeyb gali doona Shirka golaha amniga Qaranka oo lagu wado berri oo isniin ah inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Koofur Galbeed.

Shirkaas waxaa sidoo kale ka qayb galaya madaxda dawlad goboleedyada iyo laamaha kale ee dawladda, waxaana diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni ee dalka, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab iyo arrimaha siyaasadda.

Ajandayaasha shirka waxaa ka mid ah doorashooyinka soo socda sidii loo qorshayn lahaa iyo geedi socodka dhamaystirka Dastuurka .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...