Yugaabdha oo gar-gaar u soo dirtay Dadka ay saamaysay fatahaadda Webiga Shabeelle

Date:

Kampala-(SNTV)-Dowladda Yugaandha  ayaa gar-gaar ugu deeqday Qoysaska ay fatahaadda Webiga Shabeelle saameeyeen ee ku nool degaanka Golwayn ee Gobolka Shabeellada hoose.

Raashiin kala duwan oo ka kooban Bariis, Bur, Sonkor, Saliidda wax lagu karsado iyo Caanaha qasacaysan, ayaa loo mariyay ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Ku xigeenka Danjiraha Dalka Yugaandha u fadhiya Soomaaliya, Maj. Gen. Nathan Mugisha, ayaa ambabixiyay kolonyada Gaadiidka ee  Cuntada u siday Dadka ku tabaalaysan Golweyn.

Ciidamada AMISOM iyo Dalalka ay ka socdaan ayaa kaalin Lixaad leh ka qaata samatabixinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada ay soo wajahaan Abaaraha iyo fatahaadaha.

Isha/ AMISOM

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...