Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo balanqaaday bixinta xuquuqda Golaha ay ku leeyihiin baarlamanadii 8-aad iyo 9-aad

Date:

Muqdisho(SNTV)- Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad.

ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu guddoomiyaha kaga mahad celinaayay xildhibaanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabtay iyo iney hada wada shaqeyn dhex marto.
Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyinkii laga soo maray golahan iyo talooyinkooda la xiriira sida hada loo sii hormarin karo golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeyn kulanka afurka ee uu u sameeyay.

” Waad mahadsan tihiin soo dhawaada, sharaf weyn ayay ii tahay caawa inan isla afurno waqti badana isla qaadano, xaqiiqdii dalkan howlo muhiim ah ayaa ka soo qabateen, waqti adagna wa ku soo shaqeyseen waana idiinkaga mahad celinayaa doorkii aad ka soo qaadateen dib u yegleelida baarlamaanka” ayuu yiri guddoomiyaha.

” Waxan joogteyn doonaa kulamadiina iyo inan dhageysto talooyinkiina, waxaa idiin balan qaadaya inan bixin doono xuquuqda iyo tixgelinta aad golaha shacabka ku leedihiin” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad waxa ayna guddoomiyaha ugu mahad celiyeen kulanka afurka ah ee uu u sameeyay.
Sidoo kale waxa ay guddoomiyaha ku dhiira geliyeen in uu sii labo jibaaro dadaalka uu wado, iyo inuu ilaaliyo madax banaanida golaha shacabka.

kulankan uu guddoomiyaha la qaatay xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad ayaa qeyb ka ah kulamada isbarashada, xog wareysiga iyo latashiga uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ee muqdisho ku sugan.

Kulanka afurka caawa waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux” iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...