Duqa Muqdisho oo sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho(SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo la afuray Agoonta Gabdhaha (Xarunta Agoonta Degmada Boondheere) ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta, si ay u helaan waxbarasho iyo xanaanada ay rabaan.

Mudane Yarisow waxuu xusay in Caruurtaan ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana la qaadi doonno tallaabo kasta oo lagu wanaajinayo daryeelkooda. Isagoo intaas raaciyey in dib loo soo nooleyn doono xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan.

“Caruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan daryeel sidan ka wacan, waana in aan carruurta si gaar ah ula dhaqannaa oo siinaa mudnaanta ay leeyihiin, maalmihii u danbeeyey waxaan booqanayay xarumaha ciyaalka agoonta si aan u ogaano daryeelkooda. Mamulka Gobolka Banaadirna wuxuu siin doonaa daryeelka ay mudan yihiin, si dhowna ayaana ula socon doonaa xaaladahooda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho ayaa todobaadkii ugu danbeeyey booqanayay xarumaha agoonta ee ku yaalla Caasimadda, si uu xaaladdooda u ogaado, isla markaana si dhow ula socdo nolosha Agoonta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...