Ciidamada Xasilinta Caasimadda oo gacanta ku dhigeen Rag hubeysan

Date:

Muqdisho(SNTV) Howlgaladii ugu dambeeyey oo ay sameeyeen Ciidamada Xasilinta Caasimadda ee Muqdisho 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ahaa howlgal lagu soo qabtay ilaa 11 qof oo lagu soo qabtay xaafado ku yaala degmada Dherkiinley, iyagoo sita hubkooda oo ay bulshada ku dhibaatayn jireen.

Mudane C/llaahi Maxamed Tuulax oo ah guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay isago ku sugan Saldhig Galbeed ee Dherkiinley oo ragaasi lagu soo bandhigay ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay ugu diyaarsan yihiin ka hortagga dadka kooxaha bulshada dhibaataynaya.

Wuxuu sidoo kale C/llaahi Maxamed Tuulax uu ku booriayay shacabka in ay ciidamada kala shaqeeyeen sidii amniga loo sugi lahaa,waxaana dadka la soo qabtay haatan ay gacanta ugu jiraan ciidanka amniga si sharciga loo marsiiyo.

Tan iyo markii ay bilabatay bisha Ramadaan waxaa sii xoogeysanayay howlgalada Ballaaran oo ay wadaan ciidamada Xasilinta caasimadda Muqdisho,kuwaasi oo baaritaano xoog leh ku sameynaya isu socodka dadka iyo gaadiidka,si looga hortago kooxaha falalka amni dari geysanaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...