Duqa Muqdisho oo Xarunta Dawladda Hoose ka furay Shir looga hadlayay Arrimaha Dawladaha Hoose ee dalka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta ka furay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar Shirka Dawladdaha Hoose oo ay ka soo qeyb galeen, Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Dawlad Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow oo ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka masuuliyiinta ka socotay dawlad Gobolleedyada dalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in awoodda la baahiyo lana gaarsiiyo heerka ugu hooseeya, si loo xaqiijiyo in dadka shacabka ah ay dooran karaan hoggaamiyeyaasha ay ayagu doonayaan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada ay fidiyeen Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee ay sare ugu qaadayaan xoojinta nidaamka federaalka ah . Isagoo xusay in Maamul hoosaad oo huffan uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ka hadlay ahmiyad uu maamulkiisu siiyey dhismaha Golleyaasha deegaanka ayaa xusay in la diyaariyey qorshihii lagu dhisi lahaa Golleyaasha, si dadka loogu diyaariyo doorashooyinka la qorshaynayo sanadka 2020.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul Gobolleedka Galmudug Mudane Maxamed Xayir Nuur oo ku hadlayay magaca Dawlad Gobolleedyada ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir qabsoomidda shirkan, isla markaana waxuu ku boggaadiyey dhinacyada ka qeyb-galaya in meel cad looga soo wada jeesto dhismaha Golleyaasha deegaanka oo aas-aas u ah Dimoqoraadiyadda iyo u diyaar garowga Doorashooyin ka qabsooma dalka oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe...

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Afrika ee Aljeeriya

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...