151-dhalinyaro laga soo daayay xabsiyada Libya oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Dhalinyarada Liibiya laga soo celiyay waxa ka muuqday dhibaatooyinkii ay kala soo kulmeen Magafayaasha qaarkood markii ay diyaarada ka soo dageen inta ay socon waayeen ayaa lagu qaaday gawaarida yar yar ee looga talagalay dadka baahiya qaar ah qaba kuwana iyaga uu dhaawac qaba ayaa la keenay.

Maryam Yaasiin waa ergayga gaarka ah ee xafiiska raisa’wasaaraha Soomaaliya u qaabisal Xaquuda Tahriibayaasha iyo Carruurta, waxa ay sheegtay in dadaal badan ay ku bixisay dawladda Soomaaliya sidii dhalinyaradan loo keeni laahaa dalkooda.

Cabdisamad Cabdulqaadir oo ka mid ah 151-da dhalinyada ah ee maanta Liibiya laga keenay ayaa la ilmeeyey farxad, waxaana uu ugu horayn la xiriiray Hooyadiis oo joogta magaalada Burco, markaas oo uu ku wargaliyey inuu ku jiro xaalad walwal la’aan ah.

Mark Lewis oo ah sargaalka ka tirsan Hey’adda Socdaalka Aduunka ee IOM waxa uu la socday diyaaradii keentay dhalinyarada laga soo badbaadiyay Liibiya, waxaana uu sheegay in doorkooda ay ku taageerayaan dawladda Soomaaliya shaqada adag ee dhalinyarada dibadda ku xiran lagu soo badbaadinayo.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda FS Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo  ka mid ahaa masuuliyiinta soo dhaweysay dhalinyarda ayaa isna xusay in dawladdu ay mar walba ku dadalayso badbaadada muwaadiniinta oo xaq aas aasi ah.

Dr Axmed Cabdikariim Nuur Axmed Daahir oo ah Gudoomiyaha Hey’adda Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha ayaa sheegay in dawladdu ay caawinaad gaar ah siinayso dhalinyaradan inta ay dib ugu soo laabanayaan noloshoodii caadiga ahayd, lana midoobayaan ehelkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...