Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta iyo Booliska oo kormeeray Ciidan tababar uu uga socdo dugsiga Gen. Kaahiye

Date:

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kormeeray Ciidamo cusub oo tababar uu uga socdo Dugisga tababarka Ciidanka Booliska ee Gen. Kaahiye.

Ciidankaan oo la isugu keenay Xarunta gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa salaam sharaf waxay halkaasi ku siiyeen Taliyeyaasha Ciidamada Asluubta iyo Booliska, waxayna soo bandhigeen gaada ka ciyaar iyo dhoola tusk a turjumaya casharada la baro.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko  oo Ciidankaasi la hadlay, ayaa sheegay in ujjeedka loo tababarayo ay tahay inay noqdaan kuwa shacabka Soomaaliyeed ay ku faa’iidaan, islamarkaana looga baahan yahay in Qaranka si daacad ah ay ugu adeegaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Ciidanka tababarka uu u socdo u jeediyey khudbad dardaaran ah, waxaana uu u sheegay inay yihiin jiil cusub oo laga rabo in Qaranka lafdhabar ay u noqdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed...

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...