Mashaariic Horumarineed oo laga hirgelinayo degmada Warshiiq

Date:

Warshiiq (SNTV) Mashaariicdaan Horumarineed ee laga  Hirgelinayo  Degmada Warshiiq  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka mid ah  Ceel Biyood leh biyo macaan, kaasi oo ay dhagax  dhigeen maamulka degmada Warshiiq iyo mas,uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeele, iyadoo uu taaganyahay  riigii ceelka qodayay iyo mashruuc degmada Warshiiq looga  sameynayo  leerarka cadceeda ku shaqeeyo oo laga hirealiyay degmada Warshiiq  ee gobolka  Shabeelaha Dhexe.

Degmada Warshiiq oo ka tirsan  Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa horay ugu jirtay biyo xumi iyadoo aysan laheyn ceel biyood wanaagsan, waxaana ku yaala ceel biyood leh biyo dhanaan ah oo  bulshada  ku nool degmada Warshiiq ay  ka haysatay  dhibaatooyin dhinaca helitaanka biyo nadiif ah, iyagoo sidoo kale culeys ku qabay helitaanka koronto joogta ah.

Gudoomiyaha Degmada Warshiiq  ee Gobolka Shabeelaha Dhexe  Axmed xuseen Axmed (Shiidka)  ayaa  ka warbixiyay mashaariicda  horumarineed ee laga hergalinayo degmada Warshiiq, waxaana uu tilmaamay in hadii ay soo gaba gaboobaan ay fursad fiican u tahay shacabka degmada.

Xildhibaan  Maxamuud Xuseen  Mooge oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeele  ayaa ka  hadlay muhiimada  mashaariicdan  lagu hormarinayo degmada,  wuxuuna ku booriyay  bulshada  ku nool degmada Warshiiq  in ay ka shaqeeyaan horumarka degamda.

Michael  Kenya kisa oo ka socday  Hay’adda  Ceelka qodaysay oo lagu magacaabo  Somali Stability Fun ayaa ka hadlay faa,iidada ceelkan uu u leeyahay bulshada ku nool degmada Warshiiq.

Wasiirka wasaaradda  Biyaha Tamarta iyo Macdanta ee dowlad goboleedka Hirshabeele Axmed Muuse Xuseen  ayaa sheegay in wasaaradda Biyaha Tamarta iyo Macdanta ee dowlad goboleedka Hirshabeele ay ka shaqeyn doonto horumarka  gobolka Shbeelaha Dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...