Yaa ku badiyay tartan aqooneedkii dhex-maray degmooyinka Marka VS Hilwaa?

Date:

Muqdisho (SNTV)-Degmooyinka Marka iyo Hilwaa oo ka kala tirsan Shabeelaha Hoose iyo Benaadir  ayaa  caawa wacadaro muujiyay kadib tartan aqooneedkii  dhex maray.

Degmada Marka oo xarun u ah gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la weydiiyay 7-su’aalod, dhammaan su’aalihii loogu tala galay midna kama aysan jawaabin balse waxa ay si ka faa’ideysi a u heleen mid kamid ah su’aalaha soo dhinac maray Hilwaa, waxa ayna sidaas ku heleen 2-dhibcood.

Degmada Hilwaa ayaa su’aalihii 7-ahaa oo ay xaqqa u lahaayeen laba kamid ah ka jawaabay, sidoo kale waxa ay saxeen mid kamid ah su’aal fursad ah oo ay lumiyeen Marka, waxa ayna sidaas ku xaqiijiyeen 6-dhibcood.

Inkastoo ay cabasho  la yimaadeen degmada Marka, hadane waxa ay  ugu dambeen si cad u sheegeen in ay ka qanceen guddiga, waxaa caawa wareegga 1-aad ee tartanka ku haray Marka halka Hilwaa ay xaqiijisay wareegga 2-aaad.

Habeen dambe tartan aqooneedka bisha Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaan uu taaba gelinayo Maamulka Gobalaka Benaadir, waxaa ku wada ballansan degmooyinka Jowhar iyo Howl-wadaag oo ka kala tirsan Shabeelaha Dhexe iyo Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...