Kaaraan oo waji kale u yeeshay tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Caawa waxaa wada ballansanaa degmooyinka Kaaraan & Gaalkacyo oo ka kala tirsan Benaadir iyo Mudug.

Qorya tuur kadib degmada Kaaraan ee gobalka Benaadir  ayaa nasiib u yeelatay in lagu bilaabo weydiimaha tartan aqooneedka bisha Ramadan, dhammaan su’aalihii la wedydiiyay midna kama aysan jawaabin, si lamid ah fursadaha 5-ta ah ee ka yimid  dhiggooda Gaalkacyo midna  ma aysan haleelin, waxa ayna sidaas ku heleen 0.

Dhanka kale Gaalkacya ayaa garatay laba kamid ah 7-su’aalood, labo kamid a ayay ka jawaabeen, waxa ayna ka faa’ideysi ahaan u heshay mid kamid ah fursadaha ay lumiyeen Kaaraan, waxa ayna  wadarta guud ee dhibcaha  noqotay  6-dhibcood.

Tartamayaasha Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa iska xaadiriyay wareegga 2-aad halka kaaraan ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan.

Habeen dambe oo ah habeenka 10-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan waxa wada ballansan degmooyinka Marka iyo Hilwaa oo ka kala tirsan Shabeelaha Hoose iyo Benaadir.

Maamulka gobalka Benaadir ayaa sanadadii dambe taaba gelinayay tartan aqooneedka  bisha Ramadan, waxaana tabinayo warbaahinta Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...