Degmooyin ka wada tirsan Puntiland oo ku wada tartamay, tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)-Degmooyinka Boosaaso iyo Garoowe oo ka wada tirsan maamulka Puntiland ayaa ku wada ballansanaa  tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan

Ugu horreynba waxaa nasiib u yeeshay in lagu bilaabo weydiimaha tartan aqooneedka Degmada Boosaaso ee gobalka Bari, waxaana la weydiiyay sida hab dhaqanka tartanka yahay 7-su’aalood, 3-kamid ah ayay ka jawaabeen, waxa ayna si ka faa’ideysi ku  heleen su’aal ka timid degmada ay wada tartamayeen ee Garoowe waxa ayna sidaas ku hanteen dhibco gaarayo 8-dhibcood.

Si lamid ah ayaa iyana Garoowe la weydiiyay 7-su’aalood, waxa ay gartaan 4-kamid ah su’aalihii ay xaqqa u lahaayeen iyo 2– ka faa’ideysi ah, waxa ayna sidaasi ku aruursadeen 12-dhibcood.

Tartanka labada degmada ee ka wada tirsan puntiland waxa xaqiijiyay wareegga 2-aad degmada Groowe oo xarun u ah maamulka Puntiland halka ay ku biirtay Boosaaso degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.

Habeen dambe  tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isl markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir, waxaa ku wada ballansan degmooyinka Gaalkacyo iyo Kaaraan oo ka kala tirsan gobalada mudug iyo Benaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Agaasime ku xigeenka Hay’adda IOM

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Yemen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...