Xukuumadda oo daah furtay shirka billaha ah ee mashaariicda horumarineed

Date:

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho ka furay maanta shirka Billaha ah  ee looga hadlo Mashaariicda horumarineed ee Dalka ka socda,Amniga iyo Siyaasadda.

Shirkan waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya, xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka ,Safiirada Dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya iyo Hay’adaha gar-gaarka ee Qaramada Midoobey.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed shirkan maanta uu furay ayaa inta uu socda waxaa diiradda lagu saari doonaa sida ay socdaan Mashaariicda Horumarineed, waxyaabihii ka qabsoomay qadobadii looga hadlay shirarkii hore iyo Arrimaha la xiriira Amniga, Siyaasadda iyo Cadaaladda.

Sidoo kale inta uu socda shirkan qodobada looga hadlayo waxaa kamid ah Fatahaadaha Dalka ka jira iyo sida Dowladda iyo Beesha Caalamka uga jawaabeen Masiibooyinkan saameynta ku yeeshay Dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...