Maamulka G/Banaadir oo shaqsiyaad been abuur sameynayey u gudbiyey hay’adaha Garsoorka iyo Amniga

Date:

Muqdisho, 22 May, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa u digay shaqsiyaadka ku howllan sameynta sharciyada Been-Abuurka ah ee lagu xalaalaysanayo dhulalka dadweynaha, iyadoo ciddii lagu helana caddaaladda la horgeyn doonno lagana qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

Waaxda Maamulka Dhulalka ee Gobolka Banaadir ayaa qabatay labo shaqsi oo dokumenti Been-Abuur ah ku raadinayey in dublikaato loogu sameeyo ahaana dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana lagu wareejiyey laamaha amniga iyo Xeer Illaalinta Guud si baaritaan dheer ah loogu sameeyo.

Guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay shacabka ku nool Caasimadda in laga feejignaado sharciyada been abuurka ah oo ah fal-danbiyeed qofkii lagu helo uu ku mudan karo ciqaab adag.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa horey tallaabo uga qaaday shaqsiyaad ku howllanaa sameynta Warqado been abuur ah, waxana la horgeeyey Caddaaladda, tanna waxay caddayneysaa in maamulku aanu u dulqaadanayn musuq-maasuqa iyo sameynta sharciyada suuqa madow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda ” Xukuumaddani waa tii ugu horreysay oo Khawaarijta la dagaallantay”

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Xasan...

Wasiirka Isgaarsiinta “Xukuumaddu waxa ay dhawaan ku shaqeyn doontaa Xarunta Xisbiga”

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknolajiyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada...

Maareeyaha hay’adda duulista rayidka oo ka hadlay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka muqdisho

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa...