Mahdi Maxamed Guuleed oo shir gudoomiyay kulan looga hadlaya Sidii looga hortagi lahaa Xag-jirnimada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir gudoomiyay kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho oo looga hadlayay Sidii looga hortagi lahaa Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada ah iyo Argagaxisada.

Kulanka oo diiradda lagu saaray sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada iyo argagaxisada, ayaa waxaa kasoo qeyb galay safiirka Sweden ee Soomaaliya, masuuliyiin ka socota wadamada Ingiriiska iyo Norway, xariiriyaha Barnaamijka kahor tagga fikirka Xajirinimada ah, xubna ka socda maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka Gobalka Benadir.

Intii uu socday kulanka waxaa leesla gartay in dhaqan celin loo sameeyo dhalinyarada kasoo laabata fikirka Xag-jirnimada ee ay marin habaabiyeen kooxaha Argagaxisada ah, si looga saaro fikirkaas oo dhaqanka wanaagsan dib loogu toosiyo.

Culimada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay dowr muhiim ah ka qaataan la dagaalanka Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada ah iyo argagaxisada oo ay bulshada Soomaaliyeed si qorta dheer uga wacyi geliyaan maadaama fikirku uu ka fogyahay diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay muhiim tahay in ay ogaadaan oo ay la socdaan goobaha caruurtoodu ay waxbarashada u doontaantaan si looga fogaado in Fikirka Xag-jirka ah uu bulshada ku dhex faafo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...