Mahdi Maxamed Guuleed oo shir gudoomiyay kulan looga hadlaya Sidii looga hortagi lahaa Xag-jirnimada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta shir gudoomiyay kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho oo looga hadlayay Sidii looga hortagi lahaa Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada ah iyo Argagaxisada.

Kulanka oo diiradda lagu saaray sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada iyo argagaxisada, ayaa waxaa kasoo qeyb galay safiirka Sweden ee Soomaaliya, masuuliyiin ka socota wadamada Ingiriiska iyo Norway, xariiriyaha Barnaamijka kahor tagga fikirka Xajirinimada ah, xubna ka socda maamul gobaleedyada dalka iyo maamulka Gobalka Benadir.

Intii uu socday kulanka waxaa leesla gartay in dhaqan celin loo sameeyo dhalinyarada kasoo laabata fikirka Xag-jirnimada ee ay marin habaabiyeen kooxaha Argagaxisada ah, si looga saaro fikirkaas oo dhaqanka wanaagsan dib loogu toosiyo.

Culimada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay in ay dowr muhiim ah ka qaataan la dagaalanka Fikirka Qaldan ee Xag-jirnimada ah iyo argagaxisada oo ay bulshada Soomaaliyeed si qorta dheer uga wacyi geliyaan maadaama fikirku uu ka fogyahay diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban.

Hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay muhiim tahay in ay ogaadaan oo ay la socdaan goobaha caruurtoodu ay waxbarashada u doontaantaan si looga fogaado in Fikirka Xag-jirka ah uu bulshada ku dhex faafo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...