Shibis oo dhib la’aan isku diyaarineyso wareegga labaad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)-Waxaa caawa u ballansanaa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan Beledweyn & Shibis oo ka kala tirsan goballada Hiiraan iyo Benaadir.

Nasiib xumo  degmada Beledweyn ayaa xilli dambe waxa ay soo jeediyaan cudr daar ah in aysan ka qeyb geli karin tartanka loo ballansanaa  caawa duruufo  jiro awgood, hasa ahaate guddiga tartanka oo hore u dejiyay shuruudo  iyo hab-raacyo loogu tala galay tartanka ayaa sheegay in ay jebiyeen Beledweyn mid kamid ah xeerarka tartanka taasi oo ugu dambeyn guddiga go’aan ku gaareen in dhibcahaas lagu wareejiyo Shibis, sidaasna ay ku hartay degmada Beledweyn ee gobalka Hiiraan.

Sida uu u bilowday tartanka ayaa waxa ay u tahay caawa warbaahinta qaranka  habeenkii ugu horreeyay uu baaqdo, waxaana sidoo kale Shibis ay u noqotay fursad ay kaga baaqsadeen is jii-jiidka cilmiga ah ee garwadeenka ka tahay warbaahinta  qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir.

Habeen dambe Boondheere iyo Warta-nabadda ayaa ku ballansan fagaaraha tartan aqooneedka bisha Ramadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha dhismaha SSC-Khaatumo iyo ansixinta dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya oo soo gabagaboobay

Waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay Shirweynihii dhameystirka...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...