Maamulka gobalka iyo hey’adaha amniga oo la wadaagay shacabka khasaarihii ka dhashay roobabkii da’ay.

Date:

Muqdisho, 20 Maajo 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiey xaaladda saameynta roobabkii xalay ilaa iyo maanta ka da’ayey caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in 6 qof ay ku geeriyoodeen isla markaasna 301 guri ay biyo galeen halka qaar kalana ay dumeen.

Duqa Muqdisho oo warsaxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa yiri “Roobabkii ka da’ayey caasimadda tan iyo xalay oo ahaa nimco rabbaani ah ayaa saameyn ku yeeshay naf iyo maalba. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo xalay waday gurmad oo dadkii saameynta ku yeelatay la geeyey goobo isla markaasna loo diyaariyey raashin iyo hooy.”

Eng. Yarisow ayaa sheegay inuu warbixin xaalada ka siiyey Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Amniga iyo Taliyeyaasha ciidanka Qaranka. Ka dibna Madaxda Qaranka ay fareen in gurmadka la labolaabo, iyadoo ciidamada loo diyaariyey inay kaalin ka qaataan gurmadka.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir ay wadaan gurmad joogta ah sida biyaha oo laga dhuuqayo goobaha ay fariisteen, dadka loo diyaariyey hooy iyo raashin iyo in dhowaan la guda gali doono nadaafada caasimada si laamiyada burburay loo dayactiro.

Ugu danbeyntii Guddoomiye Yarisow ayaa shacabka ugu mahadceliyey doorkooda ku aadan gurmadka kana codsaday in dadka tabaaleysan loo gurmado

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...

Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...