Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid AU Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

Date:

Muqdisho(SNTV):—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii Eheladii,Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Danjire, Mohamed Sheikh Hassan Osman oo Xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Cajmaan ee Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna  Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Sidoo kale Intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi raajicuun

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Beeraha ee Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Mudane Maxamuud Axmed...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray wadada Soobe oo dib udhis lagu sameeyay

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....