Ra’iisul Wasaare Khayre oo xalay kormeerey uu ugu kuurgalayay amniga ku tagay gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga,guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah  saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kantarooladda maagaaladda,iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka,iyadoo la soo bandhigay Baco lagu soo xirey Baaruud loo ekeysiyay waxyaabo qarxa,kuwaasi oo xalay ka dhacay Muqdisho,si dhagarqabayaashu ay shacabka u qal qalgeliyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabi Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya warbixin ka siiyay amniga iyo wixii xalay dhacay ee Baaruudda ahaa.

“Abaaro halsaac iyo bar laga bilaabo waxaa la soo tuuray waxyaabo ku jira baco oo baaruud ah 5 Xamarweyne ayaa lagu soo ridey,2 Waaberi,2  degmada Wadajir,majiraan wax khasaare ah oo ka dhashey,waxaa ladoonayay oo kaliya in lagu qal qalgeliyo shacabka”.Ayuu yiri Taliye Bashiir.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixiyay ujeedka kormeerkan oo uu hoggaaminayay Ra’iiul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Caawa waxaa kormeer shaqo aan ku tagnay Saldhigyada  waxaana hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka soo bilownay Kaaraan,ilaa Galgalata,Suuqa Xoolaha,waxaan ku soo geba gebeynay ilaa magaalada Daafaheeda,si aan u ogaanno sida ay ciidamadu ay u sugayaan amniga Muqdisho,shacabka waxaan doonaynaa in ay ku kalsoonaadaan dowladooda,waxaana ka codsanaynaa in shacabku ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka”. Ayuu yiri Wasiir Islow.

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay in ay sugaan amniga caasimadda,kuwaasi oo howlgalo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...