Iyadoo ay fooda nagu soo hayso bisha barakeysan ee ramadaanย oo nooguย harsantahay ย maalmo ย kooban ayaa waxaaย bulshada soomaaliyeedย diyaar garow ugu jiraanย soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaanย waxaana suuqyada magaalada muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga bisha ramadaan oo ah bil aad u kheyr badan
Dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaย muqdisho ayaa waxaa ay ku mashquulsanyihiinย iibsiga raashiinka noocyadiisa kala duwan taasi oo ay ugu diyaar garoobayaan soo dhaweynta bisha barakeysan ee ramadaan.
waxaana mashquul xoogan laga dareemayaa qeybaha kala duwan suuqyada magaalada muqdisho ย hadii ay ahaan laheyd qeybahaย qudaarta, oo bisha ramadaan ay aad u isticmaalaan bulshadaย iyo qeybta timirta, oo ah midaย ay dadku si weyn u isticmaalaanย bisha barakeysan ee ramadaanย waxaana sidoo kale ay dadku u iibsanayaanย hilibka ooย dadku ay u isticmaalaan siyaabo kala duwan inta lagu gudaย jira bisha barakeysan ee ramadaan.
Sidoo kale waxaa sarakac laga dareemayaa qiimaha raashiinkaย noocyadiisa kala duwanย sidaย bariiska, burka,ย timirta , caanaha,ย hilibka, salliidaย iyo qudaarta noocyadeeda kala duwan
Qaar ka mid ah ganacsatada qudaar iibisaย ayaa ka hadlay soo dhaweynta diyaar garowga bisha barakeysan ee ramadaan ay ugu diyaar garoobayaan.
” xilliyada ramadaanka ee roobka da’ayo ayaa ugu badan in maciishada sare noqdo, taas waxaa u sabab ah in beeraleyda qaaliyeeyaan wax soo saarkooda iyadoo sii dheer tahay qiimaha gaadiidka uu wax ku soo qaado ” ayuu yiri mid ka midaa ganacsatada soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha bulshadaย ee degmada xamar weyne maxamuud dheereย ayaa ka hadlay ka maamul ahaan dowrka ay ugu qeyb qaadan karaanย bishaย barakeysan ramadaan, isgoona ugu hanbaliyay bilashada bisha ramadaan.