Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax

Date:

Muqdisho, May 14, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Tacsi u diraya eheladii, qoysaskii iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Qaramadda Midoobay Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Maraynkanka.

“Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo. Amb. Cabdiraxiin Caabi Faarax waxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay arrimaha xal u raadinta Soomaaliya, Isagoona ku dedaali jiray in ay mar kale Soomaaliya dawladnimadeedii ku soo laabato.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax wuxuu ahaa Diplomacy iyo siyaasi u soo shaqeeyay dalka Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay, isagoona ahaa shakhsiga kaliya ee Soomaaliyeed oo noqday kaaliyaha Xog-hayaha Guud ee Qaramadda Midoobay. Sidoo kalena waxuu ahaa qofka kaliya ee ka soo jeeda qaaradda Africa kaas oo ku dhawaaday in loo doorto Xogayaha Guud ee Ururka, taas oo sharaf u ah magaca guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...