Danjire Jamaal Barrow oo warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha Zimbabwe

Date:

Zimbabwe(SNTV) Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa ayaa warqadaha aqonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee K/Afrika iyo wadamada Afrika qaarkood Ambassador Jamaal Maxamed Barrow,kadib munaasabada ka dhacday magaalada Harare ee xarunta Dalkaasi.

Danjire Jamaal Barrow ayaa Emmerson Dambudzo Mnangagwa madaxweynaah Zimbabawe u gudbiyay salaam uu uga siday madaxweynaah Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,wuxuuna muujiyay sida Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal ka dhexeeya,iyo wax wada qabsi oo dhexmara shacabka labada dal.

Sidoo kale madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa ayaa Danjire Jamaal Barrow ugu soo dhiibay salaam diiran u soo diray madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,isagoo ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay amnig iyo horumarada kale.

Intii lagu guda jiray munaasabadda guddoonka warqadahaasi aqoosniga safiirnimo,labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen kor u qaadista iskaashi dhexmara labada dal,iyadoo sidoo kale danjire Jamaal Barrow uu la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan Zimbabwe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...