Danjire Jamaal Barrow oo warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay madaxweynaha Zimbabwe

Date:

Zimbabwe(SNTV) Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa ayaa warqadaha aqonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya ee K/Afrika iyo wadamada Afrika qaarkood Ambassador Jamaal Maxamed Barrow,kadib munaasabada ka dhacday magaalada Harare ee xarunta Dalkaasi.

Danjire Jamaal Barrow ayaa Emmerson Dambudzo Mnangagwa madaxweynaah Zimbabawe u gudbiyay salaam uu uga siday madaxweynaah Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,wuxuuna muujiyay sida Soomaaliya ay diyaarka ugu tahay xoojinta xiriirka labada dal ka dhexeeya,iyo wax wada qabsi oo dhexmara shacabka labada dal.

Sidoo kale madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Dambudzo Mnangagwa ayaa Danjire Jamaal Barrow ugu soo dhiibay salaam diiran u soo diray madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,isagoo ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha ay ka gaartay amnig iyo horumarada kale.

Intii lagu guda jiray munaasabadda guddoonka warqadahaasi aqoosniga safiirnimo,labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen kor u qaadista iskaashi dhexmara labada dal,iyadoo sidoo kale danjire Jamaal Barrow uu la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan Zimbabwe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...