Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xalay kormeer Amni ku sameeyay qaar kamid ah degmooyinka G/Benaadir

Date:

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xalay kormeer uu ugu kuur gelayay xaaladda amni ee caasimadda kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Benaadir.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta waxay la qaateen wakhti iyagoo kula dardaarmay inay laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay kormeerka shaqo ee R/Wasaaraha Soomaaliya uu ku  sameeyay Magaalada ayaa sheegay in uu ahaa mud loogu koor-galayay Amniga Magaalada Muqdisho

“Kormeerka shaqo waxuu ahaa in aan u koor galno Nabadgalyada magaalada muqdisho, waxaana ka bilownay dhanka Madaxtooyo ilaa waxaan sii tagnay Deyniile kor ayaan u sii dhaafnay ilaa Tareedisho ,waxaan ka sii aadnay ilaa Jasiira Kaxada meelahaas dhan ayaan kormeer Ku sameynay”ayuu yiri Wasiir Ducaale

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Hadafka waxuu ahaa in Ciidamada aan la qeyb sano qabowga, Maadaama aan nahay Mas’uuliyiinta Qaranka sidaas ayuu R/wasaaraha nagu horkacayaa, marka shacabka Soomaaliyeed waxay ogaanayaan in har iyo habeen aan u taaganahay, hadda Waa Sedexdii Habeennimo Salaadda Subax ayaa dhalan rabto waxaana joognaa ilaa iyo Magaalada daafaheeda oo aan Kormeer ku soo marnay, Amniga magaalada wuu sugnaa” ayuu yiri Wasiir Maxamed abuukar Islow Ducaale.

Kormeerkan Amni ee xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya saacadaha Badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo Amniga Caasimadda Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...