Shir looga hadlayey tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen wakiillo ka kala socday caalamka, kaasoo looga hadlayay dib u habeynta ciidanka Booliiska.

Kulankan oo looga hadlayay qorshaha dib u habeynta ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda F. S. saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ayaa waxaa shirgudoomiyay wasiirka  amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaasha wadamada Britain, iyo  Italy oo halkaasi ka hadlay ayaa wasaaradda amniga gudaha ee X. F. Soomaaliya ku bogaadiyay qorshaheeda ku wajahan dib u habeynta ciidanka booliiska , iyadoo danjiraha Britain uu halkaasi ka sheegay in dowladiisu qorshahan ku bixineyso 14 Milyan Doolar.

Wasiirrada ka soocday maamulgoboleedyada hoos yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin qoryayaasha wasaaraddu ay ku horumarineyso ciidamada ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaasi ka sheegay in lagu guuleystay tirakoobka ciidamada booliiska, isagoo dalbaday in ciidamada laga taageero baahiyaha heysta si ay ugu guuleeystaan hanashada ammaanka guud ee dalka.

Wasiirka amniga gudaha   Maxamed Abuukar Islow oo kulankaasi soo xiray ayaa tilmaamay in kulankani uu qeyb ka yahay qorshayaasha wasaaradda eek u wajahan dib u tayeeynta ciidamada si u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...