Shir looga hadlayey tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen wakiillo ka kala socday caalamka, kaasoo looga hadlayay dib u habeynta ciidanka Booliiska.

Kulankan oo looga hadlayay qorshaha dib u habeynta ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda F. S. saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ayaa waxaa shirgudoomiyay wasiirka  amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Danjirayaasha wadamada Britain, iyo  Italy oo halkaasi ka hadlay ayaa wasaaradda amniga gudaha ee X. F. Soomaaliya ku bogaadiyay qorshaheeda ku wajahan dib u habeynta ciidanka booliiska , iyadoo danjiraha Britain uu halkaasi ka sheegay in dowladiisu qorshahan ku bixineyso 14 Milyan Doolar.

Wasiirrada ka soocday maamulgoboleedyada hoos yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin qoryayaasha wasaaraddu ay ku horumarineyso ciidamada ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaasi ka sheegay in lagu guuleystay tirakoobka ciidamada booliiska, isagoo dalbaday in ciidamada laga taageero baahiyaha heysta si ay ugu guuleeystaan hanashada ammaanka guud ee dalka.

Wasiirka amniga gudaha   Maxamed Abuukar Islow oo kulankaasi soo xiray ayaa tilmaamay in kulankani uu qeyb ka yahay qorshayaasha wasaaradda eek u wajahan dib u tayeeynta ciidamada si u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...