Dowladda Shiinaha oo $1.5 Malyan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTVDowladda Shiinaha ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu deeqday hal milyan iyo bar doolar si loogu gurmado dadka ay fatahaaddu saameysay ee ku nool Gobollada Hiiraan iyo Gedo.

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Qin Jian ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay Dowladda Shiinuhu ka geysanayso shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadda webiga Shabeelle iyo Jubba.

dhinaca kale Safiir Qin ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay in ay door muhiim ah ka qaadato ugu gurmashada dadka masiibooyinka dabiiciga ah ay wax yeelleeyeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer qaran ah u saartay sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaaddu barakicisay, guddiga ayaana ku mashquulsan sidii ay gargaar dheeraad ah u gaarsiin lahaayeen meelaha ay fatahaaddu saamaysay, iyagoo gargaar xoog leh gaarsiiyey gobollada Hiiraan iyo Gedo oo ay saamaysay fatahaaddu ilaa haddana waa socdaan gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...