Dowladda Shiinaha oo $1.5 Malyan ugu deeqday Dowladda Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTVDowladda Shiinaha ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu deeqday hal milyan iyo bar doolar si loogu gurmado dadka ay fatahaaddu saameysay ee ku nool Gobollada Hiiraan iyo Gedo.

Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Qin Jian ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay Dowladda Shiinuhu ka geysanayso shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay fatahaadda webiga Shabeelle iyo Jubba.

dhinaca kale Safiir Qin ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ay diyaar u tahay in ay door muhiim ah ka qaadato ugu gurmashada dadka masiibooyinka dabiiciga ah ay wax yeelleeyeen.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer qaran ah u saartay sidii loogu gurman lahaa dadka ay fatahaaddu barakicisay, guddiga ayaana ku mashquulsan sidii ay gargaar dheeraad ah u gaarsiin lahaayeen meelaha ay fatahaaddu saamaysay, iyagoo gargaar xoog leh gaarsiiyey gobollada Hiiraan iyo Gedo oo ay saamaysay fatahaaddu ilaa haddana waa socdaan gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...