Maamulka G/Banaadir oo dardargelinaya Sugidda Amniga Caasimada

Date:

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daah-furay mashruuca Sugidda Amniga caasimada Muqdisho, sheegeyna in 90 cisho gudahood la doonayo in la helo amni waara.

Shirka maanta lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay Duqa Muqdisho, Ahna Guddoomiyaha G/Benaadir, Ku xigeenada Amniga & Siyaasada iyo Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Guud, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ee G/Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka, Guddiga Wacyigelinta Qaranka, iyo maamulada degmooyinka.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa in la dardargeliyo barnaamijka Sugidda Amniga Muqdisho oo la isla gartay in loo wajaho si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka ay kaalin buuxda ka wada qaadanayaan sugida amniga caasimada.

“Waxaa xaqiiqo ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah balse haddii aan si xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta Caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka, waana in aan si Istraatejiyad ah oo wadashaqeyn buuxda ah ee Maamulka G/Banaadir, hay’adaha amniga, Dariseynta iyo shacabka u wajahnaa arrintan.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in mudnaan sare ay u leedahay sugidda amniga iyo isku xirna ciidamadda iyo shacabka, isagoo kula dar-daarmay saraakiisha kulanka ka qeyb galay in la dardargeliyo amniga caasimadda, si looga hortago qorshe-yaasha ay maleegayso argagixsadu.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN 2060

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddiga qabanqaabada Maalmaha Xoriyadda oo kormeeray Ciidamada ka qaybgalaya Dabbaal-dagga Xorriyadda

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay daah-furayey Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan...