Jawish Oglo: Soomaaliya in la cadaadiyo gar ma aha

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mowlud Jawish Oglo,ayaa sheegay in Soomaaliya lagu hayo cadaadis xooggan oo ka dhashay mowqifkii ay ka istaagtay khilaafka dalalka Khaliijka.

Isagoo khudbad ka jeedinayay kulanka saxafiyiin ka socday 18 dal oo carbeed oo lagu qabtay Istanbul, ayuu sheegay in Soomaaliya lagu cadaadinayo in ay dhinac la safato, taas oo uu sheegay in aan la qaadan karin ayna tahay cadaalad darro.

Wasiir Molud Oglo, ayaa ku baaqay in la xurmeeyo midnidada iyo madaxbanaanida dalalka, isagoo dalalka Carabta iyo Islaamkana ugu baaqay in ay u midoobaan danaha istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya iyo iskaashi dhex mara halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaafaad gudahooda ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...