Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Norway

Date:

Norway (SNTV):–Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Maxamed Aadam Koofi oo safar shaqo ku marayey qaar ka tirsan wadamada Yurub ayaa gaaray dalka Norway, wuxuuna kulamo kala duwan la qaatay laanta socdaalka, taliska booliiska, Xaruunta kaararka Aqoonsiga, wasaaradda Caddaaladda, iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Norway, waxaana laga wada hadley iskaashi laga yeesho arimaha socdaalka iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Agaasimaha guud iyo la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa ka qeybgaley sidoo kale kulan lagu soo gabagabeynayey tababaro iyo shirar Norway uga socday saraakiil ka tirsan HSJ, kuwaas oo mudo asbuuc ah joogey magaalada Oslo ee dalka Norway.

Norway oo hormuud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doonta dhameystirka ogolaanshiyaha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyada oo hore Norway u ogolaatey baasaboorka dublamaasiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...