Kheyre oo la dar-daarmay ciidamo isku dhaf oo amniga Muqdisho ka shaqeynayo.

Date:

Muqdishu (SNTV)-Raisul wasaaraha xukuumada federalka Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre taliyaha ciidanka asluubta Bashiiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa maanta si wadajir waxa ay kormeereyn Ciidamo isku dhaf ah oo kujira  xabsiga dhexe ee  Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doono dadaaladda hadda loogu jiro sugidda amniga, waxa ayna ciidamadan si gaar ah ugu biiri doono dadaaladda socdo ee howlaha nabad gelyada.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa dar-daaran u jeediyay ciidamadan, waxa uuna ugu baaqay in ay u turaan  shacabka ay amnigooda sugayaan, Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale ku amaanay maamulka gobalaka Benaadir wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidamada amniga.

Ciidamada ammaanka ayaa dadaal xoogan ugu jiro sidii ay kaga hor tegi lahaayeen falalka wuxuushnimada ah oo ay u malaagayaan shacabka Soomaaliyeed Malaashiyada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...