Shirka iskaashiga dhaqaalaha Dalalka Qaaradda Afrika iyo Japaan oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Magaalada Johannesburg

Date:

Johannesburg (SNTV)= Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa ayaa maanta lagu soo gabangabaynayaa shirka wadamada Africa iyo Japan oo looga hadlayey  horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.

Shirkaas waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya wasiir dawlaha arrimaha dibadda Cabdiqaadir Axmed khayr iyo mas’uuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya, waxaana shirkaasi diiradda lagu saaray xoojinta hay’adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Africa, kana faa’iidaystaan maalgashiga Japan.

Wafdiga wasiir dawlaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la qaatay Wasiir ku xigenka wasaaradda arrimaha dibadda Japan, waxaana ay ka wada hadleen iskaashiga gaarka ah ee labada dal ka dhexeeya sidii loo xoojin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...