Dowladda dhexe iyo Galmudug oo wada furay xarunta dhaqan celinta malaashiyada Al-shabaab.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay xarun dhaqan celinta malaashiyaadka ka yimid fikirka qaloocan ee kooxda Al-shabaab.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqan celinta Maleeshiyaadka u qaabilsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wada jir ah u daah furay Xaruntan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan  ayaa sheegay xaruntaan ay muhiim u tahay Galmudug, islamarkaana  ay kordheen dhalinyarada isaga soo baxay malesshiyada  Al-Shabaab

Waxaa uu sheegay   in aanan horay u jirin Xarumo lagu hayo Dhalinyarada isaga tagta Al-Shabaab ee ka soo  jeeda deeganada Maamulkaasi.

Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobaleedyada ayaa horey Muqdisho Baydhabo Kismo’ uga hir geliyaya xarumo lagu dhaqan celiyo malaashiyada Al-shabaab, waxaana isa soo taray wili dhalinyarada isaga soo laabaneysa kooxda Al-shabaab kadib cafis dhowr jeer ah uu Madaxweyne Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo u sameeyay dhalinyara la qalday ee ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...