Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Jabuuti kula kulmay saraakiil isugu jira Jabuuti iyo Talyaani

Date:

Moqdisu (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabdi Maxamad ayaa Gaaray Caasimadda dalka Djibouti,waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Djibouti kornel Cabdullaahi Cabdi iyo Taliyaha waaxda dambibarista CID Janaraal Kadiye iyo Taliyaha Hoggaanka ilaalinta ammaanka Canshuraha Soomaaliya Cabdullahi Xasan bariise oo horay ugu sugnaa Dalkaasi Djibout.

Ujeedka socdaalka Taliyaha ayaa ah u kuurgalka howlaha la xiriira tababarada la siinayo ciidanka Booliska Soomalaiyeed ee Dalkaasi Jabuuti lagu tababaro,iyo sidii loo xoojin lahaa.

Markii u gaaray magaalada Jabuuti ayaa wuxuu taliyuhu bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la yeeshey saraakiisha Booliska Dowladda Jabuuti iyo saraakiisha karanbinyeriga ee dowladda Talyaaniga ee Jooga Wadankaasi Jabuuti.

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad Taliyaha Ciidanka Booliska Soomalaiyeed ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti wuxuu u kuurgalidoonaa tayadda tababarada la siiyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed,maadama dalka Jabuuti inta badan tababar lagu siiyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dalka Jamhuuriyadda walaalaha aan nahay ee jabuuti ayaa waxaa uu dowr weyn ku leeyhay garab istaaga Soomaaliya,waxaana halkaasi kuyaala xero lagu tababaro ciidanka Booliska Soomaaliyeed,iyadoo horeyna ay halkaasi uga soo bexeen cutubyo ka tirsan booliska Soomaaliyeed,kuwaasi oo haatan dalka ka howlgala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...