Wasiirada Khayraadka Biyaha ee Jaamacadda Carabta oo shir ugu soo geba geboobey Kuwait

Date:

Kuwait(SNTV) Shir weynaha 3aad ee Arrimaha Biyaha Carbeed ee heer Wasiir ah ayaa lagu soo gabagabeeyay Dalka Kuwait,iyadoo go’aanada soo baxay ay yihiin kuwo waxtar u leh Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana ka qeybgalay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya.

Wasiiradda Biyaha Carbeed ayaa isku afgartay in Dowladaha Carbeed iska kaashadan Horumarinta Kheyraadka Biyaha iyo habsami u maamulka ilaha Biyaha wadamadaasi.

Wasiiradu waxa ay isla gorfeeyen in Dowlaha Carbeed ee dhaqaalohoodu hooseeyo laga saacido mashaariicda horumarinta biyaha iyadoo Hay’adda Carbeed ee Horumarinta Biyaha laga codsaday in ay daraasad ku sameyso baahida dalalka u baahan in laga gacan siiyo Horumarinta Biyaha.

Kusimaha Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir Ku Xigeenka Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim  oo qudbad qaayo leh ka jeediyay shirweynaha ayaa ka warbixiyay xaaladda Biyaha Dalka iyo dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga gacan siiyo,taas oo si weyn loogu dhag raariciyay.

kulamadii gaar gaarka  ahaa ee Wafdiga Soomaaliya ay la yeeshen wafuuda kala duwan ee Shirka ka soo qeybgashay ayaa dhammaan ku soo dhammaaday is afgarad iyo ballan qaadyo la xiriira mashaariic lagu horumarinayo Kheyraadka Biyaha in laga hirgeliyo Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...