Maamulka Hir-shabeelle oo ballan qaad u sameeyay kaluumeysatada deeganada maamulkaasi

Date:

Warshiikh(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Maamulka Hirshabeelle ayaa kullan la qaatay iskaashatooyinka Kalluumeysiga ee degmada Warshiikh,kaasi oo inta badan looga hadlay dhibaatooyinka heysta iskaashatooyinka Kalluumeysiga degmada Warshiikh iyo sidii lagu horumarin lahaa.

C/llaahi Macallim Mustaf,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamul Gobolleedka Hirshabeelle iyo Kalluumeysatada ayaa kullankooda inta uu socday si weyn diiradda u saaray caqabadaha heysta Iskaashatooyinka ee ku aadan dhinacyada qalabka iyo amni darada mararka qaar ay la kulmaan iyo sida la iskala wada shaqeyn karo horumarinta iskaashatooyinka Kalluumeysiga ee deegaanada ku teedsan Xeebta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Maamulka Hirshabeelle ayaa maalmihii u danbeeyay dadaal ku bixineysay dar dar gelinta howlaha horumarinta iskaashatooyinka Kalluumeysiga eek a shaqeeya Gobolka Shabeellaha dhexe.

Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah Gobollada Ilaahey ku maneystay Kheyraadka dabiiciga ah,kuwaasi oo u baahan in si wadajir ah looga faa’ideysto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...

Bannaanbax ay Culimada Soomaaliyeed soo abaabuleen oo ka socda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa saaka ka billowday bannaanbax ballaaran oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...